Bari Post

Bari Post Kusoo dhawow barta warbaahineed ee Bari post follow dheh si aad u hesho wararka soomaalida kuwa geeska iyo caalamka ba.

Boqortooyada Sucuudi Careebiya ayaa heeg-sare gelisey difaaca dhulka barakaysan ee Maka, ka dib koror ka yimi xiisadaha ...
15/09/2026

Boqortooyada Sucuudi Careebiya ayaa heeg-sare gelisey difaaca dhulka barakaysan ee Maka, ka dib koror ka yimi xiisadaha kala dhexeeya Xuutiyiinta Yemen.

Markii koowaad weeye ee Boqortooyadu u baqdo beydka Alle.

Puntland ayaa ku xirtay Garoonka Diyaaradaha Bosaso Xili ay ka dhoofi lahaayeen Waraabe Bilcil iyo Jaamac Geelle oo ahaa...
14/09/2026

Puntland ayaa ku xirtay Garoonka Diyaaradaha Bosaso Xili ay ka dhoofi lahaayeen Waraabe Bilcil iyo Jaamac Geelle oo ahaa Saraakiishii watay Ciidamo horay u gali jiray deegaanka kur-ilaalo ee Degamda Rako Raaxo.

Dowlada ayaan wax faahfaahin ah ka bixin xariga Saraakiishan.

 : Qardho ilmo saqiira oo ku dhowaad 2 bil jira oo meyd ah ayaa laga helay aaga Calanley, sidda dhakhaatirtu sheegen wux...
13/09/2026

: Qardho ilmo saqiira oo ku dhowaad 2 bil jira oo meyd ah ayaa laga helay aaga Calanley, sidda dhakhaatirtu sheegen wuxuu u muuqdey in ceejin lagu diley.

  GAROWE Booliiska Saldhiga Galbeed, Taliyaha Howlgelinta gobolka Nugaal iyo Gudoomisada xaafada Mubaarak oo is kaashana...
11/09/2026

GAROWE Booliiska Saldhiga Galbeed, Taliyaha Howlgelinta gobolka Nugaal iyo Gudoomisada xaafada Mubaarak oo is kaashanaya ayaa gacanta kusoo dhigay Caasho Suye Cabdi oo caan ku ah "Boqorada kaam Shabeele" taas oo ficilo Anshax xumo ah ku gudbisay Social Media.

  QARDHO: BOOLISKA PUNTLAND OO QABTAY LABA EEDAYSANECiidanka Booliska Puntland ee Gobolka Karkaar ayaa Qardho ku qabtay ...
08/09/2026

QARDHO: BOOLISKA PUNTLAND OO QABTAY LABA EEDAYSANE

Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Karkaar ayaa Qardho ku qabtay Maymuun Sharmaake Nuur iyo Mulki Sharmaake Nuur, kuwaas oo loo haysto eedeymo la xiriira jirdil iyo tacaddi loo geystay gabar carruur ah.

Boolisku waxay sheegeen in baaritaan uu socdo, labada eedeysane-na loo gudbin doono hay’adaha garsoorka. Sidoo kale bulshada ayaa loogu baaqay in aan la faafin muuqaalada tacaddiga carruurta, balse xogta si toos ah loogu gudbiyo hay’adaha amniga...

 : Madaxweyna Puntland Siciid Deni ayaa dhagax dhigay in dayactir lagu sameeyo Guriga Boqor Cismaan ka talin jiray, Iyad...
07/09/2026

: Madaxweyna Puntland Siciid Deni ayaa dhagax dhigay in dayactir lagu sameeyo Guriga Boqor Cismaan ka talin jiray, Iyadoona uu sheegay in ay noqonayso Matxaf ay yeelan doonto Puntland.

Dhanka kale Degmada Baargaal ayaa ah Degmo Qadiimiya haddana wajahayso Caqabado is biirsaday, Guud ahaan gobolka raasi casayr oo ay ka mid tahay ayaa ah Gobol aan lahayn Waddo, Goobo Caafimaad, Xarumo ay leedahay Dowladu iyo Jaamacado.

Iyadoo Maalintii shalay uu ka sheegay mid ka mid ah Dadka Deegaanka, in Degmada Baargaal aysan lahayn Goobo Caafimaad, Waddoyin, Jaamacad, Saldhig iyo Xarumo Dowladeed isagoona sheegay balana qaaday in uu bixiyo Dhamaan Dhulka laga hir galin lahaa Xarumahaasi, Isagoona intaasi ku daray in Gobolka Raasi Casayr aysan Dowladu gaarin waxna ka hirgalin Sideeda Sano ee uu xukumaayay Puntland Siciid Deni Nolol Xumona ay ka jirto.

MD Deni oo ku sugan Iskushuban -Halkani waa Isha Dabiciiga ah ee Iskushuban.
05/09/2026

MD Deni oo ku sugan Iskushuban -Halkani waa Isha Dabiciiga ah ee Iskushuban.

 : Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay in la xiray askarigii waday gaariga muuqaalka laga duubay ee b...
03/09/2026

: Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay in la xiray askarigii waday gaariga muuqaalka laga duubay ee baraha bulshada ku faafay, kaas oo si masuuliyad-darro ah gaariga ugu dhex kaxeeyay biyaha badda.

 : Laamaha amniga ayaa raadinaya gabadhan oo baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ku soo gudbisa muuqaallo iyo ereyo dhaq...
03/09/2026

: Laamaha amniga ayaa raadinaya gabadhan oo baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ku soo gudbisa muuqaallo iyo ereyo dhaqan-xun , iyadoo la sheegay inay ku sugan tahay magaalada Garoowe.

  Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa wixii Berri ka dambeeya inuu booqashooyin iskug...
03/09/2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa wixii Berri ka dambeeya inuu booqashooyin iskugu maro Degmooyinka iskushuban iyo xaafuun ee Gobolka Bari

Madaxweynaha ayaa Degmo Xeebeedka Xaafuun ka dhagax-dhigi doona Saldhig weyn sid ay xaqiijiyeen ilo war-gal

Address

Somali
Bosaso

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bari Post posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share