01/10/2019
"Ergaduu farriintiyo
ku adkeeyey heestee
egmadaannu kulannoo,
Looxii ilhaamkaan
sida uurkubaallaha
indhahayga saaroo
Warku waa ammaanee;
Adna Maxamed Moogow
aakhiro halkay tahay
Cabdiqays ogeysii.
Aayadaha Quraankiyo
Arraxmaan siday tidhi;
Hadalkii Ilaahay
ruuxii Islaam ihi
sida uu aqoonsaday:
Waa oomman hawdoo
waa guri abeesoo,
edeg weeye hoosoo
abataqan ku yaalloo,
waa iil madow oo
Rabbigay addoomaha
kaga aargutaayoo,
waxa laga arooraa
irridaha xabaashoo,
anban maayo ruuxii
qabri lagu adkeeyaa.
Marna oogadeenniyo
waa oosha guudkoo,
waa beer udgoon iyo
duni wada ilaysoo,
waa ceel irmaan iyo
togag wada ordaayiyo
ilo wada xareedoo
lagu oon baxaayoo,
naftu eegmo sugashada
ashqaraar ka qaaddoo,
Toddobaatan ooryood
lala aqal galaayoo,
Rabbigay addoomaha
ku abaalmarshaayoo
Dhibta lagu illaawaa.
Afhayaha barbaartow
ababshaha dhallaankow
taliyaha abwaankow
aabbaha jacaylkow,
adigaan ogeyn baan
uurkaaga baadhoo,
ula jeeddadaadaan
ka arkaa dhul dheeroo,
arrintaadu Qaysow
afgobaadsi weeyee.
Dadku yuu ku eedayn
ha dhexgalin ammuuraha
isha xidho afkana dhawr
Arag maqal warkana ood."
- Ergo (Arraxmaan) | 1970.