18/10/2025
Mahadnaq iyo Bogaadin
Anigoo ah Sakhia Deeq Ismaaciil, Aasaasaha iyo Maamulaha Dugsiga Xirfadaha ee Asal-Dhalad School Design, waxaan halkan uga mahadcelinayaa dhammaan martidii qiimaha lahayd ee ka soo qayb gashay xafladdii qalin-jabinta ee ardayda dugsigeenna, taas oo xalay lagu qabtay Hall-ka Hay’adda Shaqaalaha Qaranka.
Xafladdaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ay 200 arday si rasmi ah u soo afmeereen kalkoodii koowaad ee waxbarashadooda xirfadeed. Waxaa farxad weyn noo ahayd in ku dhawaad 90% qalin-jabiyeyaasha ay ahaayeen Hablo, taasoo mar kale caddaysay doorka muhiimka ah ee dumarku ka qaadanayaan horumarinta xirfadaha iyo hal-abuurka bulshada Soomaaliyeed.
Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa dhammaan masuuliyiintii iyo marti-sharaftii na garab istaagtay, oo ay kamid yihiin:
Commissioner Sakariye Abdirahman Ismael Carraale – Xubin sare oo ka tirsan Hay’adda Shaqaalaha Qaranka
Marwo Nadra Ali Qafil – Xubin sare oo ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka
Mudane Ahmed-Badri Hassan Muhumed – Maamulaha Guud ee Hargeisa Technical School ahna Guddoomiyaha Dalladda Dhalinyarada SONYO
Mudane Mohamud Abdi Hassan “Govinda” – Guddoomiyaha Degmada Ahmed Macalin Haaruun Ahna Musharax Xildhibaan.
Mudane Musharax Xildhibaan Hassan Abdilahi “Hassan Toosane”
Mudane Hassan Abdilahi “Hassan Ustaadka” – Afhayeenka Guud ee Xisbiga Kaah
Mudane Mustafa Mohamed Omer “Jeego” – Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga Waddani
Mudane Abdihakem -Agaasimaha Cuddada shaqaalaha ee wasaaradda Diinta & Awqaafta.
Ustaad, Proff Shucayb Cabdirahmaan
Iyo sidoo kale macalimiinta, professors-ka, masuuliyiinta wasaaradaha, iyo wakiillada xisbiyada kala duwan ee munaasabadda soo sharfay.
Sidoo kale Mahadnaq gaar ah ayaan u dirayaa waalidiinta, ardayda iyo dhammaan bulshada nagu taageertay dadaalka aan ugu jirno kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada, si gaar ahna hablaha Soomaaliyeed ee doonaya mustaqbal ifaya.
Ugu dambayn, waxaan Alle uga baryayaa inuu na waafajiyo sii wadidda himiladeenna ee ah in Asal-Dhalad School Design noqdo goob iftiin iyo rajo cusub u ah dhalinyarada Soomaaliyeed.
Mahadsanidiin dhamaantiin.
— Sakhia Deeq Ismaaciil
Aasaasaha & Maamulaha Asal-Dhalad School Design.