Dalkaaga nabada la jecloow

Dalkaaga nabada la jecloow Wax waxliba waxaa hormuud u ah mareynta nolasha Adanaha tasoo ah muslinimo saliim iyo golo u xaaridda nabada. Horaa wxa la yiri "nabad baa nas la nugo leh"

15/02/2023

Dhowr gabay oo kala duwan ayaa Sayidku fardaha ku ammaanay. Geeraarka soo socda wuxuu ka mid yahay kuwii Sayidku fardaha ku ammaanay. Faraska geeraarkan loo mariyey miduu ahaa wax noo caddeeya lama helin. Darwiishkii laga soo qoray oo ahaa Faarax Baqardhe 1957kii, wuxuu sheegay in geeraarka lagu mariyey Taleex, wuxuuna Sayidku yiri:

Kalalaaga afkiisa, kaltabaa isku dhaaban
Kalwis loogu ridaa, ma kullaabatadaa?

Kamman laysku cajiimo, kakan buu calashaayoo
Kowlguun la dhacaaye, kadab soora miyaa?

Kundhulaaga daloola, sida kiiriga weeye
Hadduu neefta ka kiilo, kuraa fooryi miyaa?

Indhuhuu kulcinaayo, kuuligooda rogaayo
Kurba weeye libaaxe, kar la oogey miyaa?

Kalshadaa wajigiisa, bil kowaadda sideeduu
Kalxadaada ifiyaaye, kaah hadeenla’ miyaa?

Hadduu qaylo kallaaxa, kaliifkeeda dareeroo
Dheguhuu kilkilaayo, kitaab baalle mlyaa?

Guudku kaymo ameeroo, kal horaaddo lahaayoo
Kowraxuu wacsadaaye, korjad cawra miyaa?

Sitaac kaambuli weynlaa, kurka loo geliyaa
Kilkilaa u ruxaaye, kibiraani miyaa?

Dushu waa kax bannaanoo, kohan mayso naftaaduye
Korra weeye qabow e, kob bacaada miyaa?

Fanku waa kabbisaaye, korra weeye sarreysoo
Kefed weeye daruuree, kuud dallaysan miyaa?

Hadduu koosa raqleeyoo, kafkaftiisu ma waalla
Kasha wuu debciyaaye, kowshax gaabin miyaa?

Haddii uu kabtimaayo, kacdinkiisa galowgiyo
Haddaan qoofal kabaaba, kaltabaa ugu dhacdo
Kiirriskuu dhutinaayo, kubku naafa miyaa?

Haddaan kaabka rikaabka, koro oo isku taago
Kufaayoo lama daace, kur dhaadhaba miyaa?

Haddaan guura kadiidno, habeenkii kiniyoonno
Korka wayga dedaaye, kiini howda miyaa?

Meel kaliil hoga oonoo, kabajaagu dhawaaquu
Kafiil iiga noqdaaye, kal xareeda miyaa?

Col haddaannu u koodno, markii kiidibku jooguu
Kabdhoodkoo u baxaayoo, kaalayeyda hayaa?

Kalaalaa shirameedkuu, nin karmeedka maqlaayoo
Kalaakalkiisiyo sowdkuu, kasayaayoo gartaa

Majeerteen kol la sheegyoo, kinsigaynu lahayn buu
Kaxaystee igu duusha, kowlaanteed rag ku baan

Ragna koonfur taggeeda, wuu u kaakicinaayay
Kalab weeye Hiraabee, Kaa ha la isku dareersho,
Kowlaanteed rag ku baan

Reer Subayr kaba weyne, wax dhaaxuu koda dhafay
Kaa ha la igu dareersho, kowlaanteed rag ku baan

Rayid waa kirishtaanoo, Koofil weeye dhashiisoo
Kaa ha laygu dareersho, kowlaanteed rag ku baan

Ragna kaas nagu diid, aan shirshoore kadeedno
Kitaabtaas la collownaan, kurtayuun ku heshiinnay

Kabashkii la sikiimaa, kumbiskiis la taxdaayoo
Sibraar aan kogsanayn baa, karuurkii lagu qaatay

Kooxdii noogu horreysaa, geelii kuurka u gaadhay
Kaabiguun buu jiraaye, ka degaay ma dheheen

Iyadoo koorinaysa, karoorkaas ka badnaatay
Kaamil loo wada eegay, ka degaay ma dheheen

Kura kiira saqaafe, kob cagaar leh maraaya
Kuuligaannu ka qaadnay, ka degaay ma dheheen

Cag kash-kaash la waddeeyey, korjoogaan u maleynay
Kuuligaannu ka qaadnay, ka degaay ma dheheen

Kaadidoodiyo raadka, kol dhaweyto ahaana
Kuuligaannu ka qaadnay, ka degaay ma dheheen

Dhengeddii ay kurteen, kurtunkoodii qoyaami
Kuuligaannu ka qaadnay, ka degay ma dheheen

Koorib-naarka shaxdiisiyo, kataantuu ka jareeyay
Kuuligaannu ka qaadnay, ka degaay ma dheheen

Kalmoontii qallixii iyo, kowraxdaan qallallayn
Kuuligaannu ka qaadnay, ka degaay ma dheheen

Kigta weerar daryaanka, shiinbiruu ka wadaanoo
Fiintu kiida gurtaaye, ma qiyaama kacdaa!

Wa maxay wadaniyadu?
05/11/2022

Wa maxay wadaniyadu?

Waa maxay wadaniyada?

“wadaniyadu waa dareen qofnimo iyo damiir umadeed taas oo shakhsigeeda ku dhalisa jacayl uu uqabo dalkiisa iyo dadkiisa, taas oo qofkeeda ka dhigta shaqsi kadamqanaya wixii xun ee dalkiisa iyo dadkiisa loo asteeyo una damqanaya dadkiisa iyo dalkiisa.”

Macne labaad ayaa isna ah barashada cilmi bulsho kaas oo lagu baranayo gaar ahaan xaquuqda (rights) iyo masuuliyada (responsibility) uu leeyahay qofka muwaadinka ah. Macnayaal kale oo badana way jiraan.

GabagaboWaxaan ku soo gabagabaynaya Wadaniyadu waa lagama maarmaan waayo maanta waa waxa uu caalamku isku dhaafay, waxaa...
25/10/2022

Gabagabo

Waxaan ku soo gabagabaynaya Wadaniyadu waa lagama maarmaan waayo maanta waa waxa uu caalamku isku dhaafay, waxaana muhiim ah in lagu soo barbaariyo jiilalka soo kacaaya lana fahansiiyo macnaha iyo qiimaha ay leedahay wadaniyadu gaar ahaan soomaalideena…

Xukunka wadaniyada aan laba u kala qaadno waa;Wadinaydu waa xalaal hadaaney handadayn diinta iyo caqiidada, oo qofku waa...
25/10/2022

Xukunka wadaniyada aan laba u kala qaadno waa;

Wadinaydu waa xalaal hadaaney handadayn diinta iyo caqiidada, oo qofku waa jeclaan karaa dadkiisa iyo dalkiisa hadaaney taasi ka indha tirayn jacaylka diinta iyo jacaylka muslimiinta.
Waa xaaraan hadii ay ka hor imaaneyso xeeraraka diinta. Tusaale, hadii jacaylka qawmiyada iyo wadanka ay kaa indho saabaan jacaylka diinta.

25/10/2022

Sido kale jacaylka dalkaaga waxa daliil u ah nabi muxamad (NNKHA) waa kii lahaa markuu maka ka baxay, “makaay kaamaan tageen hadaan layga kaa eryan”. Waxaa kale oo xusid mudan in mabaadi’da islaamka kamid tahay, in dadka muslimka ahi aaney kala xigin wadanka, xuquuqda allena ay u siman yihiin.

Address

Bashaka 900@gmail. . Come
Nairobi

Telephone

254712110377

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dalkaaga nabada la jecloow posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share