Mr khayre Ahmed raabi

Mr khayre Ahmed raabi KA..jexdin gobal..🇬🇲🇬🇶🇸🇴

22/10/2025

Iran Ayaa Daldalaad Ku Fulisay Nin lagu Helay inuu Jaajuus u ahaa Isr.

Turkey oo ka carooday Talaabo ay qaaday Itoobiya.Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qubrus, Constantinos Kombos, ayaa booqday ...
10/10/2025

Turkey oo ka carooday Talaabo ay qaaday Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qubrus, Constantinos Kombos, ayaa booqday Addis Ababa si uu u xoojiyo xiriirka Itoobiya. Inkastoo booqashadu si rasmi ah loogu sheegay inay tahay mid diblomaasiyadeed, falanqeeyayaashu waxay u arkaan tallaabo siyaasadeed oo lagu carqaladeynayo saameynta Turkiga ee Afrika iyo Badda Dhexe.

Turkigu si cad uguma hadlin booqashadan, waxaana ilo diblomaasiyadeed sheegayaan in Ankara ay u aragto isku day lagu kala dhantaalayo xiriirka Turkiga iyo Itoobiya, oo muddo dheer ku dhisnaa iskaashi milatari, ganacsi, iyo nabadeynta gobolka. Turkigu waxa uu h**e uga taageeray Itoobiya dhanka tababarka ciidamada, diyaaradaha Bayraktar TB2, iyo mashaariicda horumarinta kaabayaasha.

Dhanka kale, Qubrus iyo Israa’iil ayaa xoojiyay isbahaysigooda cusub ee tamarta iyo difaaca, taas oo Turkigu u arko isbahaysi lagu doonayo in laga saaro shabakadaha tamarta iyo siyaasadda gobolka. Qubrus waxay sidoo kale raadinaysaa taageero Afrikaan ah si ay ugu adkaato murannada badda ee kala dhexeeya Turkiga iyo Waqooyiga Qubrus.

Turkigu waxa uu ku eedeeyay Qubrus iyo xulafadeeda inay “ku ciyaarayaan nabadda gobolka,” isaga oo uga digay Itoobiya in aysan ku dhicin qorshayaasha lagu kala fogeynayo labada dal.

Ankara waxay xusuusisay in Turkigu uu door muhiim ah ku lahaa nabadeynta Itoobiya iyo Soomaaliya, isla markaana uu yahay saaxiib lagu kalsoonaan karo ee Geeska Afrika.

Warbaahinta Turkey ayaa ku waramaysa in haddii Itoobiya ay u leexato dhinaca Qubrus iyo Israa’iil, ay halis ugu jirto inay lumiso kalsoonida Turkiga, taageerada dhaqaalaha, iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee gobolka.

Carada Turkiga ee ka dhalatay booqashada Kombos waxay muujisay xiisad siyaasadeed oo cusub oo ku soo korortay xiriirka Ankara iyo Addis Ababa. Itoobiya waxaa lagu booriyay inay ka fogaato inay ku milanto dagaalka awoodaha ee u dhexeeya Turkiga, Qubrus, iyo Israa’iil, si ay u ilaaliso dhexdhexaadnimadeeda iyo sumcadda Afrika.

10/10/2025

Hadaad Online Tahay Ku Sali
Xabiibkeen Mohomed ﷺﷺﷺﷺﷺ SCW

Waa Milinomo Jumce Ah Saliga Hala Badiyo Lana Wadaag Umad Saliga Iyo Khayrkaba Jecel

09/10/2025

WAR CUSUB! Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markii ugu h**eysay taarikhda booqanaya wadan ku yaala qaarada Afrika, Trump ayaa maalinta axada booqanaya Wadanka Masar si uu usoo gabagabeeyo heshiiska xabad joojinta dagaalka Q/--sa.

Waa markii ugu h**eysay ee Donald Trump uu cagta saarayo qaarada Afrika, waligii intii uu xilka hayay ma booqan wadan Afrikaana.

19/11/2024
‏عبد السلام اسماعيل هنية: الصاروخ تتبع هاتف والديعبدالسلام، نجل إسماعيل هنية:🔹تم توجيه هذا الصاروخ الموجه عبر تتبع الهات...
16/08/2024

‏عبد السلام اسماعيل هنية: الصاروخ تتبع هاتف والدي

عبدالسلام، نجل إسماعيل هنية:
🔹تم توجيه هذا الصاروخ الموجه عبر تتبع الهاتف المحمول الذي كان موجودًا في غرفة والدي وقريبًا من رأسه.
🔹في ذلك اليوم، كان والدي يتصل باستمرار بهاتفه واستمر في استخدامه حتى الساعة 22:15 من الليلة التي استشهد فيها.

Waxaa magaalada Dhagaxbuur soo gaadhay gaadiid wada tuunbooyinka mashruuca biyo galinta Magaalada. Tuunbooyinkan oo lagu...
16/08/2024

Waxaa magaalada Dhagaxbuur soo gaadhay gaadiid wada tuunbooyinka mashruuca biyo galinta Magaalada.

Tuunbooyinkan oo lagu sameeyey China waxay Shirkadda China Civil Engineering Construction Corpoaration (CCECC) u adeegsan doontaa biyo galinta mashruuca magaalada Dhagaxbuur oo heer daboolkiisu dhanyahay 113.7km2. Tuubooyinka ayaa waxaa keenay gaadiidka waaweyn oo ay tiradoodu kor u dhaafayso 80 gaadhi.

Mashruuca biyo galinta magaalada Dhagaxbuur ee ay gacanta ku hayso Shirkadda CCECC wuxuu si xawli ah maalmaha foodda innagu soo haya uga bilaaban doonaa xaafadaha magaalada Dhagaxbuur.

BIRHANU JULA OO MASAR FARIIN U DIRAY."Ciiddanka Milatarigga Itoobiya waxay naftoodda u hurreen shacabka Soomaliya.Muddo ...
16/08/2024

BIRHANU JULA OO MASAR FARIIN U DIRAY.

"Ciiddanka Milatarigga Itoobiya waxay naftoodda u hurreen shacabka Soomaliya.Muddo dheer ayaan Soomaliya ciidankeena u diraynay oo aan xasiloonadda ka shaqaynay-nay."

"Mudaddaa dheer intay Itoobiya halgamaysay, kuwo aan la aqoon meeshay jireen ayaa maanta leh Soomaliya ayaan la dhimanaynaa.Waan eeggi doonaa hadday ka dhabbeeyan.Maadama aan kamid nahay mulkiilayaasha gobalka, oo ay sigaar ah noo sameynayso, k**a aamusi doono si aysan dhibaato horleh gobalka uga curranin."

Taliyaha Ciiddamada Itoobiya, Birhanu Julla oo Feer-Feer ciidan lagu soo dhaweeyay ka hadlayay ayaa siddaasi yidhi.

W-Q

16/08/2024

عاجل | وسائل اعلام اسرائيلية: نحث المواطنين لعدم مشاهدة منشورات قناة "ايران بالعربية" على منصة اكس.

Address

0713355927
Nairobi

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mr khayre Ahmed raabi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share