25/04/2026
Madaxwayne Oo Dhiilo leh!!!
Mudane madaxwayne safarkan wuxuu u eegyahay kii ugu danbeeyey ee aad duulimaad caalami ah adiga iyo shacbigaaguba aad kaga duushaan garoonka Egal International airport, sababtuna waa qorshe la,aanta maamulka aad u xulatay ee dhaqanka ganacsatada leh oo aan wax qorshe ah ka lahayn duulaanka joogtada ah ee xamar inagu hayso ee ka dhanka ah qaranka JSL.
Maamulka xamar markii uu u hirgalay E-Visihii waxay qorsheeyeen in dhawaan ay fuliyaan qorshe kale oo khatar ku ah qaranimada somaliland oo ah inay sameeyeen "Single Entery" oo ah in dhamaan duulimaadyada caalamiga ahi ay muqdisho kusoo dagaan, Loogana sii qaybiyo, Hargaysa iyo Garawe iyo boosaaso iyo Gobolada Somaliana ay usii kala gooashaan Daalo, iyo Somali Airline oo muqdisho aynu siimarno soona marno shacbi iyo madaxba, falaydo dalka Somalia gudihiisa ah "Domastic Flyts".
Mudane madaxwayne maantay qabasho leedahay ee uma baahnin duyuurad aan inaga amar qaadane hala joojiyo waxii aan ku camal falaynin awaamirteena oo aan qaranimadeena ilaalinaynin. Intii bari aynu joojin lahayn somali airline maanta inagoo karaamo leh aynu kuwa caalamiga ah iska joojino oo ku qasabno qorsheena.
Hadii dawlad aan la aqoonsan lagu haysan karayo ictiraaf iyo awood Chine ayaa Taiwan ku haysan lahaa ee inaga waxa xamar inagu haystaa maaha sharci caalami ah, ee waa qorshe la,aanta iyo aqoon la,aanta dadka aad xulatay ee dhaqanka ganacstada leh, maxaa inagaga jabay joojintii Jabuti airline qaranimadeenaa kawayn wax walbee hala joojiyo dhamaan Waxii aan qaranimada somaliland ogalayn.
Dadka waxaa ugu muwaadinsan dadka qurba joogta ah ee maalinwalba E-Visaha ka doorbida
Inay jigjiga ka soo dagaan oo dhulka soo mara.
Rabbi Tallo u Daa!!
W/Q Yuusuf Biixi Talo-same