Danjir

Danjir Sariflaha 1xbet Ceerigaabo
Whatsapp 0636089488

Ku soo dhowoow sarifla cergaabo Iyo promo code BIGWIN88 oo farwaweyn ah Si aad uga hesho farifla la macamil maliyadeed
07/05/2023

Ku soo dhowoow sarifla cergaabo
Iyo promo code BIGWIN88 oo farwaweyn ah

Si aad uga hesho farifla la macamil maliyadeed

Open
07/05/2023

Open

Ma jiro qof ka door bidayaa nolol folxun .Mid quruxbadan
16/04/2023

Ma jiro qof ka door bidayaa nolol folxun .
Mid quruxbadan

let children value clothing and chance
09/05/2022

let children value clothing and chance

18/03/2022

Mizoram 👏

Shaqaaqooyinka lammaanaha waxa lagu qiimeeyaa hadba sida ay wax u dhaceen iyo goobta uu ka dhacay, shaqaaqooyinka ka dhe...
18/02/2022

Shaqaaqooyinka lammaanaha waxa lagu qiimeeyaa hadba sida ay wax u dhaceen iyo goobta uu ka dhacay, shaqaaqooyinka ka dhex dhaca qoysaskuna waa ka mid dhacdooyinka tacadi ee dhaca. Shaqaaqadan qoyska ka dhex dhacdaana waa dhibaato bulsho dhinac walba taabata oo caafimaadka lammaanahu ka mid yahay.
Warbixin ay soo bandhigtay Hay’adda WHO (Warqad Xaqiiqo No. 239 dibna loo habeeyey Janawari 2016), ayaa lagu sheegay in dhacdooyinka shaqaaqada lammaanuhu yihiin arrin adduunka oo dhan ka dhacda oo lagu tilmaamo in 3-diii qoysba uu hal qoys la kulmo shaqaaqooyinkaas.
Haddaba, bururka qoysaska ayaa ka mid ah dhibaatooyinka ka dhex jira bulshada Somaliland, kaasoo ah mid waqti kasta taagan. Qoysku waxa uu burburaa marka uu yimaado tacdi si joogto ah uga dhex dhaca qoyska dhexdiisa, ka dibna keena furriin u dhammeeya sii jiritaanka nolosha lammaanaha qoyska oo ay ugu daran yihiin kuwa ubadka isku leh. Marka aad u dhabbo-gasho sababaha gundhigga u ah burburka qoysaska waxa laguu sheegayaa inay ugu weyn yihiin dhawr qodob oo ay ka mid yihiin;
1. Dayacaad ka imanaysa masuuliyadda qoyska oo Aabbuhu uu xuddun u yahay oo ay ugu muhiimsan tahay dhaqaalaha qoyska ee nolol maalmeedka.
2. Gacan ka hadal joogto ah oo ay hooyadu u dulqaadan weydo
3. Dhallinyarada da’doodu yaryar tahay ee isguursada oo ay ku adkaato gudashada masuuliyadda qoyska.
4. Faro-gelin qoysaska qaar kaga timaada dibadda, sida ehelka iyo asxaabta, isticmaalka daroogooyinka iyo arrimo kale.
Haddii la raadiyo tirada qoysaska isfuraya oo ah salka burburka qoyska, way adkaanaysaa in la helo tiro sugan. Tusaale ahaan mar aannu la xidhiidhnay Maxk**adda Degmada Hargeysa, qaybta la xidhiidha dacwadaha qoysaska waxa na loo sheegay in aan tiro-koob sugan laga heli karin tirada qoysaska isfura.
Waxa iyaguna jira xafiisyo shareecada Islaamka ku shaqeeya oo khilaafaadka qoysaska ka shaqeeya, isla markaana kala fura qoysaskii xal kale loo waayo ee codsada in la kala furo. Waxa xafiisyadaa ka mid ah Tawfiiq oo ku yaal magaalada Hargeysa. Mar aannu wax ka waydiinnay tirada qoysaska isfura waxay noo sheegeen in celcelis ahaan bishii ay isfuraan 20 qoys. Waxaana ay tusaale noogu soo qaateen dhammaadkii sannadkii h**e, gaar ahaan bilihii sagaalaad iyo tobnaad inay is fureen 43 qoys oo kala noqonaya (Sagaalaad 18 qoys iyo Tobnaad 25 qoys oo isfuray),Hargeysa oo keliya.
Dad aqoon iyo khibrad u leh arrimaha khilaafka ee qyska dhexdeeda oo aannu wax ka waydii waxay noo sheegeen in deegaannada kala duwan ee Somaliland sannadihii u dambeeyey ay jireen dhacyoodin naxdin leh. Waxa dhacda in nin dilo gabadhiisa amma xaaskisa, halka sidoo kale ay dhacdo in gabadhu disho ninkeeda. Dilkuna wuxuu astaan u yahay heerka ugu xun ee khilaafka ka dhexeeya lammaane isqaba, iyadoo natiijaduno noqotay qudh-gooyo. Waxa xilli kasta la arkaa nin gabadhiisii u gacan-qaaday oo dhaawacyo gaadhsiiyey. Waxa kaloo la arkaa gabadh ka cabanaysa ninka qaba oo leh: “Ninkaa yaan la igu celin wuu i dilayaaye.” Marka ay gabadhi ninkeeda ka duddo dhaqan ahaan Soomaalida waa la celiyaa, waxaana cabashadani dhacdaa marka gabadhu cabbirayso heerka khilaafka ee ka dhex jira iyada iyo ninkeeda.
Marka aynu u nimaadno khasaaraha ka dhasha burburka qoyska oo taabta dhinacyo kala duwan. Dhibaato laxaad leh ayaa inta badan la wariyaa in ay carruurta la soo deristo. Marar badan waxa la arkaa qoysas isfuraya oo carruur isu leh. Carruurtaas oo kuwo badan oo ka mid ah masuuliyaddoodu dayacanto.
Waxa dhacda in carruur badan ay noqoto derbi-jiif, oo nolosha adag ee dibadda u ban-baxaan iyagoo fara-xumayn iyo handadaad ba la kulma. In qaar ay cuqdad ka qaadaan qoyskooda burburay oo dhibaato naftooda ay soo gaadhsiiyaan, sida inay tahriibaan amma waxyeello ay isgaadhsiiyaan.
Waxa arrintan markhaatigeeda furaya will yar oo aannu kula kulannay xarunta dhaqancelinta derb-ijiifka ee Hargeysa oo inta aabbihii iyo hooyadii isfureen noqday derbi-jiif. Waxa sheegay inuu nolol adag soo maray oo gidaaradda seexan jiray, isla markaana uu dhib iyo daranyo ba la soo kulmay. Wuxuu talo siinayaa waalidiinta isfuraya.
“Haddii uu qoyskayagii jiri lahaa waxa aan noqon lahaa qof jira oo qayrkii la tartama, oo iskuul hela, garoomada ciyaaraha qeyrkii kula ciyaara, sida kuwa reerku wada jiraan. Qoyskayaguna wuxuu noqon lahaa qoys jira oo fiican,” ayuu yidhi wiilka yar oo magaciisa loo qariyey sababto jira awgood.
Waxaannu intaas ku daray; “Annigu waxa aan odhan lahaa labadii isqabaa haddii ay khalad yar isku qabtaan yaanay kala tegin. Haddii ay kala tagaan ubadka ay dhaleen ayaa meesha ka baxaya. Sida aan annigu imminka ahay oo kale ayay noqonayaan. Waxa kaloo aan odhanayaa ha kala tegina ee nolosha isla sii wadaaga.”
Haddaba, waxa loo baahan yahay in si qoto-dheer loogu kuur-galo dhibta

Marka labada walid kala tagan maxa ku dhaca ilmaha    Waxyaabo aan  lasoo koobi karayn ayaa kudhaca ilmahas waxan rabaa ...
06/02/2022

Marka labada walid kala tagan maxa ku dhaca ilmaha Waxyaabo aan lasoo koobi karayn ayaa kudhaca ilmahas waxan rabaa inaan qodobeeyo waxyaabahas; Ilmaha koriimadiisa runtii wax badan ayaa iska dhima, sida inuu waayo barbaarin labadiisa waalid taaso xan baarsanayd jacayl iyo dareenba Waxa uu kale oo ku dhaca cuq dad oo waxa uu noqdaa inta badan qof ka kan oo adag, sababtuna waa inaanu wax naxariisa arag, hadanu raxariis arag dadku marka yanay layaabin ileen kumaba soo barbaarin nolol naxariis leh ehLaakiin waxa uu noqdaa qof waalidkii jecel laakiin aan sida caadiga ugu muujin karin oo qarsada, taasna waxa sababaya caqabado uu kala kulmay barbaarintiisiiInta badan ilmaha ay kala tagaan waalidiintiisu waxa uu gala xalad adag sababtuna waa in loo geeyo Eedadii oo ay takoor iyo waxyaabo badan mariso, ama Aayadii oo nafta been iyo dil kaga qaadaIlmahas nolosha silica kusoo koray, xitaa ay dhacday marmarka qaar in aanu wax cunin, ileen maba jirtee cid dareemaysaaye, maxay kula tahay buu dareemaya xanuun intee leg Waxyaabaha ugu xun oo la kulmaa noloshiisa waa dilka oo cidii aragtaaba way dilaysaa ileen kuwii dhalayba, way tureen Ilmahaas sidee ayuu mustaqbalkiisu noqonaya ileen wax garaba cid k**a heline Dhib kastoo oo uu maro manoqonayo mid bilaa naxariisa waxa uu noqonaya mid naxariis badan oo dadka ugargaaraNoloshiisana wuu hor marinayaa Runtii ilmahaas nolosha noocasa soo maray waxa uu noqonaya mid wax badan fahansan oo dareema dadka kale xaladooda

Furiinka ama burburka ku yimaada qoyska waa mid dadku ay iska caadaysteen waxaana marka laga hadlayo soomaaliya furiinku...
05/02/2022

Furiinka ama burburka ku yimaada qoyska waa mid dadku ay iska caadaysteen waxaana marka laga hadlayo soomaaliya furiinku uu ka yahay wax aan laga fiirsan inta badan.
Markii aad si fiican u eegto nolosha bini’aadamka waxa ugu muhiimsan waa guurka sidaas daraadeed ayaa dadka badankiis u arkaan furiinku in uu yahay guul darro ku timaada guurka
Qoys burburka waxaa ka dhadhasha dhibaatooyin kala duwan sida ilmaha qoyskaasi oo ay soo wajahdo koriima xumo waxbarasho la’aan iyo waxyaabo kale oo la mid ah
Arrintaan oo ah mid dood dheer dhalisay ayaa hadana dadka ku nool dunida
waxaa raga iyo dumarkuba midba midka kale ku eedeeyaa in dhanka kale ka ka yimaado kala tagga.
Furiinka Gabdhaha waxaa keena sababo badan sida:-
Dhibaatooyinka dhaqaalaha
Dabeecadaha ama dhaqanka oo lagu kala duwanaado
Balwadda
Fara galin ku timaada lamaanaha
guurka fudud
yaraanta oo la isku guursado
dhaqankii oo laga tagay
qudba sirada iyo wixii la mid ah.
Marka aad la sheekasato gabdhaha uu ku dhacay qoys burburka ayaa kuu sheegaya in furiinku uu had iyo jeer ka yimaado ragga balse dumarkuna ay qeyb ku leeyhiin sababaha keena burburka qoyska.
Hadaba maxaa keena furiinka?
Su’aashaas iyo hinaasaha ama maseyrku doorka uu ku leeyahay furiinka waxa aan waydiinnay Fartuun Axmed Cali oo kamid ah gabdhaha uu ku dhacay qoys burburka oo ku nool magaalada muqdisho
Fartuun ayaan sidoo kale waydiiyay saamaynta ay caruurta ku yeelato waalidiinta is fura iyo waxa ay ugu duwan yihiin caruurta waalidkood koriyo iyo kuwa aan nasiibikaasi helin.
Waxay sheegtay in marka h**e wax waliba ay yihiin calaf, iyada oo tilmaantay in burburka qoyska Labada qofka ay lahaan karaan, islamarkaana sababta si walba ay ku imaan karto, sidoo kalena caruurta aysan heleen korriin wanaagsan marka ay waalidkooda kala tagaan.
Fartuun ayaa u arakta in samirku uu qayb weyn ka qaadto wada joogga lamaanaha taas oo mihiim u ah is fahamka biniaadamka.
Haweenka badankii waxa ay u arkaan in raggu ay qeybta ugu weyn ku leeyihiin furiinka maadaaama ay guursadaan haween badan taas oo keenta in aysan ku qancin haweenka ay markaas qabaan
Hadaba Mustafa Sugaal Maxamed ayaan waydiinnay waxa ku qasba ragga in ay dumar badan guursadaan iyaga oo dhumiya xaasas koodii h**e iyo baylihinta caruurtooda.
Mustaf waxa uu sheegay in Allah uu baneeyay in ragga ay guursan karaan Afar haween ah hadii awoodeedu leeyahay balse laga yaabo in ninka uu Laba si u guursado xaasaska badan, waxaana uu ku kala sheegay in uu rajeynayo caruur badan inuu ilaahay siiyo ama in uu la kulmo buuq qoyska ah, kadibna xaas kale yeesho.
Furiinka ayaa sidoo kale ku yimaada ka dib marka lamaanuhu uu isku guursado shuruudo dhaca guurka ka hor waxaana marka qof uu ka baxo shuruudaas guurku uu noqdaa mid burbur uu ku yimaado.
Hadaba si aan arrintaas wax uga ogaanno ayaan la kulmay Sahra Ismaaciil oo ka sheekaynaysa qoys burbur ku yimid ka dib markii ay aroskeeda kahor kula heshiisay saygeeda in uusan xaas kale samaysay hase yeeshee uu balantii kaga baxay
Sahar ayaa sheegtay in ay ka shalaysay markii ay kala tageen iyada iyo saygeeda.
Dhaqankii oo laga tagay iyo technology-yada ayaa inta badan dadku ku eedeeyeen in ay masuul ka tahay furiinka oo bata.
Xaliimo Macalin Abuurkar waa haween waaya joog u ahayd dhaqamadii h**e ee Soomaalidu isku guursan jireen waxa ay ii sheegtay in guurkii h**e uu ahaa mid ka adag kan maanta jira, furiinka oo lagu dagdagaana ay tahay guurka aan laga fiirsan.
Aaladaha bulshadu ay ku wada xiriiraan waxa ay qeyb ka tahay waxyaabaha sahla qoys burburka madaama dadku ay si fudud isku bartaan waxa ay hor seedaysaa in si fudud ay u kala tagaan waxaa sidaasi tiri Mama Xaliima Macalim, waxaana ay kula talisay guud ahaan dhalinta soo koraysa in ay wax bartaan si looga hortago qoys burburk oo saameyn ku leh guud ahaan bulshada.
Soomaaliya ayaad moodaa in qoysas badan ay burburaan marka loo eego sanadihii h**e waxaana dadka inta badan ay ku sababeeyaan in ay kusoo uruurayso is faham la’aanta lamaanaha iyadoo xalkuna uu qeyb ka yahay in qof waliba uu sameeyo tanaasul ah in uu ka samro wax badan oo uu tabanayo si looga fogaado is qabqabsiga oo aan u fiicnayn guurka wanaagsan.

X/Q: Leyla Abdi Mohamed

Address

Erigavo

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00

Telephone

+252634697478

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Danjir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share