Tech data center

Tech data center Electronics cosmetics furnitures

22/12/2023
20/12/2023

HABRAACA XORAYAD KA QAADISTA MUWAADINKA .
__________________________________________

Dastuurka JS wuxuu qeexayaa Xuquuqda iyo xoriyada uu muwaadinku leeyahay .
waxaana xoriyadaas uu ku waayi karaa kaliya hanaan uu sharcigu jideeyey.

Sida uu tilmaamayo qodobka 25’aad ee Dastuurka JS waxaa waajib ah qofka xoriyada laga qaadayo in la mariyo talaaboyinka ku xardhan Qodbka 27'aad, ee dasturka JS,
Sidoo kalena aan xoriyadda lagaga qaadikarin muwaadinka sifo ka reeban inta uu xeerku tilmaamay.

Qodobka 28'aad Ee Xeerka Habka Ciqaabtu waxa uu tilmaamayaa in amarka xidhitaanku hadii uu yahay mid maxkamadeed iyo mid kaleba aanu ka hor iman xuquuqda muwaadinka.

Tusaale ;

Qodobkani waxa uu reebayaa :-
1: amarka xidhitaanku inaanu dhaafin kana hor iman saacadaha soo qabashada oo ah 6:00 Am —6:00 pm wixii ka horeeya iyo wixii ka danbeeya inaanu amarkaasi fuleyan.

2: amarka xidhintaanku waa inuu cadyahay oo ay ka muqdaan cida la xidhayo , qodobka uu jabiyay ee lagu xidhayo iyo waliba goorta la ogalayahay in la soo xidho.

Sidoo kale Qofka muwaadin ka ah labo siyaabood ayaa loo soo xidhi karaa oo xoriyadisa looga qaadi karaa

1: Qofka hadii lagu soo eedeyo danbi ama uu jebiyay qodob ka mid ah qodobada sharcigu dhigayo ama uu geestay danbiyada lidka ku ah qaranimada, laguna haayo cadeymo buuxa waxaa warqada Soo qabashada (Warrant) u jarayo garsoore markas awood u leh . kadibna booliska ayaa soo xidhaya meel alaale meesha uu ka joogo wadanka ha ahaado masuul ama shacab, sidas ayuu Qofku xoriyadida ku waayi karaa .

2 : Mida Labaad, ee qofka xoriyadiisa laga qaadi karo iyada oo aan la heysan warqada Soo qabashada waa in uu danbi faraha kula jiro (fregarant) khaasatan danbiyada ku xusan qodobka 35 XHC, ama uu baxsad yahay taasna uma baahna boolisku in uu u raadsado warqada soo qabasho (Warrant) kamana uu gaadhsiinayo, sidaas ayuu kuso xidhayaa oo uu xoriyada kaga qaadi karaa.
Isla Markasna waxaa waajib ku ah in baadhis uu sameeyo Sarkaalka Booliska ah si uu u horgeeyo garsoore awood u leh sidasna warqadda ugu soo jarto loona gudbiyo xabsiga dhexe inta baaritankisu socdo.

Qodobka 27'aad Dastuurka JS isna waxa uu qeexayaa Xuquuqda qofka xoriyadda laga qaaday

1 : Eedaysanuhu wuxuu la mid yahay qof barii’ ah ilaa maxkamadi si kama-dambeys ah ugu caddayso fal-dambiyeedka lagu soo oogay.

2: Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in isla markiiba la ogeysiiyaa dembiga lagu tuhunsan yahay, looguna sheegaa af uu garanayo.

3: Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in xaaladdiisa la gaarsiiyo qoyskiisa ama eheladiisa.

4: Qofna laguma qasbi karo dembi-qirasho, xukunkiisana saldhig looga dhigin qiraal lagu qasbay.

5: Qof kasta oo la xiraa wuxuu xaq u leeyahay in 48 saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamad awood u leh.

6: Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaadaa wuxuu xaq u leeyahay in uu qabsado qareen difaaca, haddii uusan awood u lahaynna ay dawladdu u qabato

Fg: Qofkastaa si kasta oo uu edeysane u yahay waa In la mariyaa hanaanka sharcigu jideeyay ee maahan in la baalmaro sharciga.
Waxa ina kala xadidaya waa sharciga, ku dhaqanka sharcigu haduusan jirin waxaynu noqon laheyn kuwa isku awood sheegta.

DAWLADU WAA INAY SHARCIGA ILAALISAA KU DHAQANKIISA SI SHACABKU AY UGU KALSOONAADA .

hadii aad qoraalka halkan soo gaadhay MAHADSANID.

16/01/2023

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tech data center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share