Fahad Yasin X. Dahir

Fahad Yasin X. Dahir Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Fahad Yasin X. Dahir, Men's clothes shop, Oooo, Istanbul.

18/09/2021

Alxamdullilaah waan Nabad imaaday, Maxaad iga filaneeysaan?

By: Lataliyaha Qaaska ah ee Mudane Fahad Arrimaha Baraha Bulshadda..

Soomaaliya Ha Noolaato

18/09/2021

Danbiile. Wadanka yuun Soo galine
Waxaa kawanaaagsan
Shacabka inaad ucadaysaan
In Uhuru idan Soo diray

Oo aad dilaal tihiin

18/09/2021

Shacabka soomaaliyeed
Waxaan horkeenayaa cadayn sax ah oo Ay ku noqon doonto
Mid Qaadan waa ah
Maadaama Ay Aniga igu buuxaan Qaarkood

Soomalia guul
Cadawgana cagta hoosteeda

18/09/2021

Diyaarad Military nagaso Qaaday Magaaladda istanbul ayaa Nagasoo Dejisay magaaladda Muqdisho.

Cadeeynta sarkaalad Ikraan Tahliil waan soo Bandhigi doonaa insha Allaah, Cadowga soomaaliya Hajabo

Soomaaliya Ha noolaato.

Like saar Pageka👍

18/09/2021

Codsi ku socda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya !!

18/09/2021
18/09/2021

DARDARGELINTA DOORASHOOYINKA IYO HAKINTA AWOODAHA WASIIRKA KOOWAAD

Muqdisho, Sebteembar 16, 2021;

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo;

Markuu arkay tallaabooyinka khilaafsan Dastuurka KMG ah ee uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble sida ku cad Qodobka 87aad, Xarfaha (b) iyo (c) iyo Qodobka 90aad, Xarfaha (b), (c) iyo (e);

Markuu ka weecday waajibaadkii loo igmaday Xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka sida ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyay Golaha Shacabka 1dii May 2021, Goluhuna uu tixgeliyay soojeedintaas;

Markuu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu qaadanayo tallaabooyin aan laga fiirsanin oo dalka u jiheyn kara qalaase siyaasadeed iyo mid amni;

Markuu arkay in Wasiirka Koowaad uu sameynayo isku day ku xadgudub xuquuqda iyo mushaaraadka Ciidamada Qalabka sida iyo awood si khaldan u isticmaalid hay’adaha qaarkood;

Markuu xaqiiqsaday in Ra’iisul Wasaaraha latashi iyo wada shaqayn la lahayn Madaxweynaha, isaga oo ku dhaqaaqay inuu soo saaro go’aanno ku keli ah oo aan waafaqsanayn shuruucda iyo Dastuurka dalka taas oo ay ka dhalatay xil-gudasho la’aan;

Maadaama Madaxweynuhu yahay Astaanta midnimada qaranka, Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka;

Madaxweynuhu wuxuu xeeriyay qodobadan;

1. Maadaama Wasiirka Koowaad ee XFS uu jabiyay Dastuurka KMG ah, waxaa la hakiyay awoodaha Wasiirka Koowaad iyo dhammaan warqadaha kasoo baxa, gaar ahaan xilkaqaadis ama xilmagacaabis, inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka oo ay u xilsaaran yihiin Guddiyada Madaxabannaan ee magacaaban.

2. Inta lagu jiro xaaladdan, hay’adaha kala duwan ee dowladdu waxay sii wadayaan hawlaha ay shacabka ugu adeegayaan ee lagama maarmaanka u ah socodsiinta hawlaha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 102aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah oo si cad u qeexaya in Wasiir kasta uu isagu masuul ka yahay Howlaha Wasaaraddiisa, ayna tahay in lagu tixgeliyo, iyagoo aan ku dhaqaaqi karin xil ka qaadis iyo xil magacaabis inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka.

3. Maadaama ay dhammeystirmeen dhismaha guddiyada doorashooyinka ee Heer Federal (FEIT) iyo kuwa heer Dowld Goboleed (SEIT), Xallinta Khilaafaadka, si buuxdana loogu heshiiyay habraacyada, miisaaniyadda, qorshaha amniga doorashada iyo dhammaan waxyaabihii ay ku xirnayd qabsoomidda doorasho waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii lagu xalliyay tabashooyinkii kasoo laabtay 27ka May 2021, lana guda galay doorashooyinka Labada Aqal.

Sidaas darteed, waxaa lagu dhiirrigelinayaa dhammaan hay’adaha ay khuseeyso hawlaha doorashooyinka inay dardargeliyaan si waafaqsan Jadwalka Doorashooyinka ee la faafiyay.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter:

Address

Oooo
Istanbul

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fahad Yasin X. Dahir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Fahad Yasin X. Dahir:

Share