Isse adde

Isse adde pagekan waxaan idinku hynaaa sheekoyin xiiso bdan iyo dhacdooyinka maalin kasta dhaca

21/09/2021

Caruut ciyaal schook ah iyo ciyaar dhaqameed

DHEBEDNooc ka mid ah shimbiraha ugu caansan Soomaalida, codkeeda iyo muuqeeda isku si' baa loo yaqaannaa, gelin h**e ee ...
13/03/2021

DHEBED
Nooc ka mid ah shimbiraha ugu caansan Soomaalida, codkeeda iyo muuqeeda isku si' baa loo yaqaannaa, gelin h**e ee subaxdii iyogalabtii baa badi la maqlaa codkeeda.

"Dhaqaaqaaqaaq .... Dhaqaaqaaqaaq ... ". Codkeedu waa caan.

Waxa ay ka mid tahay koox shimbiro ah oo ay Jugleydu u weyn tahay oo isku bah ah - Galawga/Fiinta/Ciyowg, Dhebedda iyo Jugleydu waa isku bah kala weyn kala cod duwan. Jugleyda waa la ugaarsadaa.

Dhebeddu inta badan dubleeda oo dhirta u eg iyo duulisteeda oo naxdin ah bay isku darsatay qofka aan ujeedin way ka naxaataa.

Dhurwaa baa la yiri;

"Waar, dhurwaayow weligaa ma naxday? Suuye maya". Saa la yiri; "Weligaa dhebed ma waysan ka hor boodin xilli habeen ah".

Suu yiri; "Taasi, naxdin ma ahane waa wadna gooyo".

Fiinta iyo Dhebeddu waa is le'eg yihiin waxaa se jina yar fiinta, sida oo kale Dhebedda uurka ilaa caasha ayaa madow, halka fiintu isu wada egtahay.

Dhebedda iyo ciyowga waxaa la aamminsan yahay, in ay saadaal ka bixiyaan dhacaal soo aaddan sida; colaadaha, abaaraha, dabaylaha, cudurrada, colka, roobabka, gudcurka IWM. Waa tii

"Waxaan dhicin asee dhici doona buu dhebedku sheegaa".

~ (?).

Ciyowgii habeen dhawaaqay
Wuxuu ka cawday dareemay!
Cawaysinka haadki duulay
Cadaawihiisuu ogaaday
Haddii rahu uu codaayana
Jiilaal culus buu dareemay!

~ Sahro Axmed Jaamac (AHUN).

Address

Istanbul
QUBRUS

Telephone

+252907840611

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Isse adde posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Isse adde:

Share